Kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii ay Wasaaradda u dhageeysan laheeyd talooyinka Aqoonyahanada ee ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Aqoonyahnada ay kaalin weyn uga banaantahay ka qaybqaadashada Geedi-socodka.
“Aqoonyahanada waa indhaha iyo maskaxda bulshada, waxaa Geedi-socodka idinkaga banaan kaalin ballaaran oo ay tahay in aad buuxisaan; Wasaaraddu waxa ay mar walba diyaar u tahay in ay idiin dhageeysato” ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.





From the comments