Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa qadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan isaga oo u soo bandhigay xiriirka adag ee laba geesoodka ah oo ka dhaxeeya labada dal iyo sidii lagu sii xoojin lahaa.
Arrintaani ayaa timid iyada oo lagu wado madaxweynaha Turkiga inuu booqdo todobaadka soo socda wadamada Khaliijka oo ay ka mid yihiin Sacuudiga,Kuwait iyo Qatar, si uu ugu kuur galo dhibaatada wali ka taagan Khaliijka.
Erdogan ayaa horay u diiday sharuudihii dalabka ahaa ee ka soo baxay wadamada go’doomiyay dowladda Qatar.




From the comments