Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan Masar, iyada oo ku sababeysay arrinkaan in ay kordheen weerarada argigixiso iyo siyaasadda looga soo horjeedo madaxda waddankaasi.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay suurto gal tahay in howlo argigixiso ay ka dhacaan meel walba oo ka mida waddanka Masar sida maagaalooyinka waaweyn.
Waxaa la tilmaamayaa in Mareykanka uu sidoo kale shaqaalihiisa iyo ergooyinkiisa ku sugan magaalada Qaahira uu uga digay in ay booqdaan goobaha la iskugu yimaado iyo goobaha diimaha.




From the comments