Wararka ka imaanaya gobokla Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu dib uga bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya maleeshiyaad kala ah xoolo dhaqato iyo beeraley, kuwaasi oo ku dhaqan deegaanka Kulmis Yarey oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Dad ku dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay ku dhaawacmeen dagaalkan, iyadoo khasaaraha uu intaasi ka badan karo.
Dagaalkan ayaa salka ku haya colaad maalmihii ugu dambeysay ka taagneyd deegaankan, taasi oo u dhaxeysay Labadan dhinac.




From the comments