Maamulka Degmada Mahadaay ee Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga ee dowladda federaalka ay si qasab ah degmadaas uga soo saareen isaga iyo xubno kale oo maaamulkaasi ah.
Gudoomiyaha Degmadaas Cabdullaahi Maxamed Xuseen ayaa tilmaamay in xubnaha uu ka kooban yahay maamulkaas ay dibad joog ka yihiin degmadaasi waxaan uu sheegay in ciidanka milatariga ee dowladda federaalka ay bilaabeen in Ganacsatada ay ka qaadaan Lacago Canshuur ah oo maamulkooda aanu ka war heyn.
Waxa uu sheegay in taasi ay saameyn ku yeelatay habsami socodkii shaqada maamulka degmada Mahadaay ee Shabeellaha Dhexe, isagoo xusay in aysan jirin cid wax ka qabatay dhibaatooyinka ay ka cabanayaan.




From the comments