Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thaani ayaa sheegay in uu soo dhawaaday xiligii la xallin lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Carabta iyo dalkiisa.
Sheikh Tamiim ayaa intaa raaciyay in xal u helidda dhibaatada ka taagan khaliijka lagu xalin karo in la ixtiraamo qarannimada wadamada, iyada oo aan waxba la isku yeerineyn.
Amiirka Qatar ayaa hoosta ka xariiqay in nolosha ka jirta dalkiisa tan iyo markii xiriirka ay u jareen dowladaha Khaliijka ay aheyd mid caadi ah oo wax saameyn ah kuma yeelan go’doonka la saaray.




From the comments