Guddoomiyaha baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in dhowaan uu furmi doono Kalfadhigga Shanaad ee baarlamaanka, isaga oo baaq u direy xildhibaannada ka maqan magaalada Cadaado.
Guddoomiye Gacal oo maanta dib ugu laabtay degmada Cadaado ayaa sheegay in furitaanka Kalfadhiga Shanaad uu ku xiran yahay inuu buuxsamo kooramka, sidaasi darteedna ay muhiim tahay in xildhibaannada si degdeg ah kusoo xaroodaan si ay u gutaan waajibaadkooda.
Sida aad ka warhaysaan waqtigii la furi lahaa Kalfadhigga Shanaad ee baarlamaanka ayaa la joogaa, sidaasi darteed xildhibaannada maadaama ay fasaxa kadib soo qaateen siminaar AMISOM siineysay, waxaa hadda yimid hordhicii baarlamaanka, waxaan rabaa inaan kaga faa’ideysto in baarlamaanka Galmudug looga baahan yahay howlahoodii, si degdeg ahna kusoo gaaraan magaalada Cadaado, maxaa yeelay shirkii waa uu furmayaa, waxaan rabnaa inaan u baaqo xildhibaan walbo oo ka tirsan Galmudug in shaqadiisii iyo waajibaadkiisa uu guto, si degdeg ahna ku yimaadaan haddii ay yihiin kuwa dibadda jira, gobollada iyo magaalada Muqdisho” ayuu yiri guddoomiyaha.




From the comments