Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dhowaan ay furaan xadka aan rasmiga ahayn ee ay wadaan Soomaaliya iyo Kenya.
Kenyatta oo boqolaal shacab ah kula hadlayey magaalada Mandhera ee gobolka NFD ayaa sheegay in muhiim ay tahay shacabka ku dhaqan magaaladaasi iney wada shaqeyn buuxda la yeeshaan ciidamada ammaanka oo ay soo sheegaan Al-shabaab, si loo helo nabad iyo xasilooni.
Waxa uu tilmaamay madaxweynaha Kenya in furitaanka Xadkan uu muhiim u yahay ganacsiga Labada dal, shacabkana laga rabo iney soo sheegaan cid walbo oo ka tirsan Al-shabaab misane xadkaasi ka gudbeysa.




From the comments