Goobjoog

Reuters: Dhaxal Sugihii Sacuudiga Waxaa Xilka Looga Qaaday Daroogo Darteed

Ilo ku dhaw boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wakaallada wararka ee Reuters in dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed Bin Nayif xilka looga qaaday arrimo la xiriira daroogo. Maxamed Bin…

Reuters: Dhaxal Sugihii Sacuudiga Waxaa Xilka Looga Qaaday Daroogo Darteed
WASHINGTON, DC – MAY 13: Crown Prince Mohammed bin Nayef of Saudi Arabia looks on in the Oval Office at the White House May 13, 2015 in Washington, DC. The Saudi delegation is meeting with U.S. President Barack Obama and Vice President Joe Biden as part of this week’s meetings with delegations from the Gulf Cooperation Council. (Photo by Olivier Douliery – Pool/Getty Images)

Ilo ku dhaw boqortooyada Sacuudiga ayaa u sheegay wakaallada wararka ee Reuters in dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed Bin Nayif xilka looga qaaday arrimo la xiriira daroogo.

Maxamed Bin Nayid ayaa la sheegayaa in aad u isticmaali jiray maan-dooriyaha loo yaqaano cocaine, sidoo kale waxaa uu dhowr jeer ku hurday xaflado kadib markii xilkaas loo magacaabay 2015-kii.

Go’aanka lagu ceyriyay Maxamed Bin Nayid waxaa gaaray hey’adda Beycada dalka Sacuudiga oo ka kooban 34 xubnood.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in ninkan uu daroogiste ahaa waqti dheer, marar bandanna ay kula taliyeen Boqor Cabdalla iyo Boqor Salmaan in uu is daaweeyo.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments