Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa maanta lagu wadaa inuu booqdo wadamada Khaliijka si uu u xaliyo dhibaatada Qatar kala dhaxeysa deriskeeda.
Madaxweyne Erdogan oo isbaheysi weyn la ah dowladda Qatar ayaa waxaa uu bilaabayaa tallaabo uu is kugu soo dhaweynayo dowladaha Khaliijka.
Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Qatar bishii la soo dhaafay waxayna ku soo rogeyn cunno qabateyn cirka iyo dhulkaah, iyaga oo ku eedeynaya in ay taageerto argigixisada balse Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahaas.




From the comments