Murashaxa madaxtinimada isbaheysiga National Super Alliance (NASA) Raila Odinga oo xalay ka hadlay dood uu u gambiyay murashaxa Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo bisha dambe uu ciidamada Kenya ka soo saari doono Soomaaliya.
Raila Odinga oo 90 daqiiqo la wareysanayey ayaa ka hadlay in nabadda Kenya aaney ku xirneen tagidda Kenya “Waxaan u baahanahay in ciidamadeena si Istaraatiiji ah aan ugula soo baxno Soomaaliya, Adkeyno xuduudeena, isla markaana aan taageero AMISOM-ta joogta gudaha Soomaaliya”
Raila Odinga waxaa uu qabaa in Kenya u baahan tahay in ay xoojiso sirdoonka gudaha si loola dagaalo Al-shabaab isaga oo intaa ku daray Xarakada Al-shabaab aaney soo weerarteen gudaha Kenya haddii ay Nairobi qaadan laheyd talada midowga Afrika ee ahaa in aaney wadamada dariska faragelin Soomaaliya.




From the comments