Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay iney xalay gacanta ku dhigaan Saddex nin oo la sheegay iney dhacayeen dadka shacabka ee ku dhaqan degmada Yaaqshiid, iyaga oo watey Qori Ak-47 iyo sidoo kale mootada loo yaqaano Bajaaj ee Saddexda lug leh.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inuu baxsaday nin kale oo la socday raggan la qabtay, waxaana sidoo kale dhaawac uu soo gaaray mid kamid ah raggii wax dhacayey ee ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen.
Warbaahinta waxaa loo soo bandhigay Qorigii ay raggan dadka ku dhacayeen, Mootadii ay wateen iyo sidoo kale 12 Taleefannada gacanta ah oo ay dad shacab ah kasoo qaateen.





From the comments