Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga amniga Badaha, kaas oo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badaheena. Guddigan oo loo sameeyey in xiriir joogto ah la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha badda ayaa bishii hal-mar kulan ku yeesha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Waxana kulanka ka soo qeyb galay lix Wasaaradood oo ay khuseyso arrimaha badaha, sida, Wasaaradda Kaluumeysiga, Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Dibedda, Maaliyadda, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo wafdi ka socday Maamul Goboleedyada oo si dhow ula socda xaaladda badaha Soomaaliyeed.
Wasiirka Kuluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in la samaynayo sharcigii lagu dhisi lahaa ciidanka ilaaliya xeebaha oo loo yaqaan (Goast Guard) iyo sidii wax looga qaban lahaa sharci darada looga kaluumeysto xeebaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirkan looga hadlay xoojinta hay’addaha Garsoorka.





From the comments