Waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug qaarkood ayaa uga digey maamulka Puntland iney sii wadaan howlgallada ay ciidamada maamulkaasi iyo kuwo maraykan ah ka sameeyaan Koonfurta magaaladaasi.
Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah waxgaradkan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in hadda Puntland ay ku xadgudubto deegaannada maamulka Galmudug.
Waxa uu sheegay in Puntland laga doonayo iney ka fiirsato daandaansiga dagaal ee ay waddo, wuxuuna sheegay in dadku ku qasbanaan doonaan iney is difaacaan waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments