Ciyaar ay daawadeen dhowr kun oo shacab ah, laguna maamuusayey 5 sano guurada Goobjoog Media Group ayaa maanta galankii dambe lagu qabtay garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.
Ciyaartan oo ay ku loolamayeen labo kooxood ee Gool FM iyo Goobjoog FM, Waxaa ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, iyada oo waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay 2-2 oo ay ku kala baxeen.
Goolka 1aad ee ciyaarta waxaa dhaliyay Maxamed Salaad oo ah kooxda Goobjoog FM, daqiiqado kadib waxaa rigoore ay ridatay uu Maxamed Qadar qasaariyay dhaliyay Jilicow, kadib waxaa Gool FM ay la timid goolkii 2aad ee uu dhaliyay Xasan Kaafi Gool balse Abshir Raage ayaa Goobjoog FM gool u dhaliyay, kana dhigay 2-2.








From the comments