Goobjoog

Baydhabo: Koonfur Galbeed Oo Taageertay Go’aanka Golaha Shacabka Ee 8dda Kursi, Kuna Baaqday Xasilooni Siyaasadeed

Dowlad-Goboleedka Koofur-Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka maxkamadda sare ay ka qaadatay 8dda kursi iyada oo taageertay sida golaha shacabka u xalliyay…

Baydhabo: Koonfur Galbeed Oo Taageertay Go’aanka Golaha Shacabka Ee 8dda Kursi, Kuna Baaqday Xasilooni Siyaasadeed

Dowlad-Goboleedka Koofur-Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka maxkamadda sare ay ka qaadatay 8dda kursi iyada oo taageertay sida golaha shacabka u xalliyay kuraastaasi.

Maamulka Baydhabo waxaa ay hey’adaha dowladda ugu baaqayaan in  ay ka shaqeeyaan  xasilooni siyaasadeed.

War Saxaafaeedka waxaa ka mid ahaa: 

“Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxay aad uga xun tahay go’aanka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Dowladda Federaalka ah mid dhab ahaan u baalmarsan Hannaanka lagu Hirgeliyey Doorashooyinka Dadban ee 2016 oo saldhiggoodu yahay heshiis Siyaasadeed ay bulshada soomaaliyeed iyo Madaxda Hoggaanka Qaranka u wada dhan yhihiin, ayadoo dhammaan Arrimaha Hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka kala duwan muranka ka dhalan karay Doorashada Dadban 2016 loo xilsaaray Guddiyo iyo Hay’ad sare marjac u ahaa, umana bannaana Maxkamadda Sare in ayba gasho ama gal u furto wax dacwo ah oo ku saabsan Doorashadaas oo hawlaheeda hay’adihi u xilsaarnaa ay soo gunaanadeen, natiijadii kama dambaysta ahayd ay ansixiyeeena lagu dhisay Dawladda dalka u dhisan una hawlgashay fulinta arrimaha xilalka dawladda…”

Halkan ka akhriso, Qoraalka la soo gaarsiiyay, Goobjoog News

121 zzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzz

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments