Daraasad cusub oo ka soo baxday dalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in kala bar dadka Muslimiinta ah ee ku nool Mareykanka ay la kulmaan Takoor, waxaa kale oo lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Trump aanu muslimiinta jecleyn.
Daraasaddan waxaa la daabacay in 75% dadkii la wareystay ay sheegeen in la takooro halka 74% ka mid ah ay qabaan in Trump aanu jecleyn Muslimiinta.
Kala u bar dadka la wareystay waxaa ay sheegeen sidoo kale in ay adag tahay in adigoo Muslim ah aad ku noolaato dalka Mareykanka, dadka ugu badan ee takoorka la kulmo waa gabdhaha xijaabka wata.




From the comments