Wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ayaa shacabka ku dhaqan gobolka Gedo waxa ay uga digtey iney taageerto Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka wasaaraddaasi C/rashiid Janan oo meel fagaare ah kula hadlay shacabka degmada Luuq ayaa sheegay in Al-shabaabka ka dagaallama Gedo ay saanadaha Milatari ku iibsadaan lacagta ay ka qaataan shacabka gobolkaasi.
Wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay iney ka fogaadaan wax walbo oo lagu taageeri karo Al-shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in tallaab laga qaadi doono cid walbo oo la arko iyada oo taageero u fidineysa ururkaasi.




From the comments