Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in si rasmi ah uu xilliga habeenkii u shaqeynayo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulle Salaad oo saxaafadda kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in garoonka shaqeynayo 6-da subaxnimo illaa iyo 10-ka habeennimo (6:00 AM illaa 10:00 PM)
“Ahmiyadda aan maanta halkan u joogno ayaa ah in aan idin la socod siinno, sida aad ogtihiin dhabaha diyaaradda ku orodo waxaan u sameynay nalal, waxyaabihii dhan waan sameeynay, laakiise diyaaradaha caalamiga ah ma ogaan Karin arintaasi, laga bilaabo manta waxaan ogeysiinaynaa shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah in garoonka uu shaqeynayo 6:00 subaxnimo ilaa 10:00 habeenimo” ayuu yiri wasiirka.




From the comments