Goobjoog

Golaha Shacabka Oo Ka Doodaya Sababta Wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril U Iman Waayey Golaha

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa dood adag ka leh maanta sababta uu u hor iman waayey wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril . Wararka ay Goobjoog News ka heleyso hoolka golaha shacabka…

Golaha Shacabka Oo Ka Doodaya Sababta Wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril U Iman Waayey Golaha

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa dood adag ka leh maanta sababta  uu u hor iman waayey wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril .

Wararka ay Goobjoog News ka heleyso hoolka golaha shacabka oo hadda uu kulanka ka socda ayaa sheegaya in wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril uu warqad cudur-daar ah golaha u soo diray todobaadkii hore isaga oo sheegtay xaalad caafimaad, codsanaya in uu golaha hotrago 11 August , 2017-ka.

Xildhibaannada golaha shacabka oo hadda ka doodaya codsiga wasiirka ayaa ku kala qeysan, qaarkood ayaa soo jeediyay in aan mar-marsiyahaasi laga dhageysan Xoosh halka qaar kale ku doodayaan in qofka uu xanuusan karo, lana tixgeliyo.

Wararkaas kala soco, Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments