Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynayo in saacadaha soo aadan uu isbedal ku sameeyo golahiisa wasiirada.
Ilo ku dhow madaxtooyada K/galbeed ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Shariif Xasan laga yaabo in shaqsiyaad cusub uu kusoo daro wasiiradiisa, qaarna ay meesha ka baxaan.
Magaalada Baydhabo waxaa laga dareemayaa guud ahaan saansaanta ku aadan isbedalkaan uu sameyn doono Shariif Xasan.




From the comments