Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr ayaa la kulmay Madaxa Soomaaliya u qaablisan Machadka Doorashooyinka iyo Hanaqaadka Dimuqraadiyadda ee Africa Justin Doua iyo Lataliye sare ee ka socotay Hay’adda Saferworld Marjorie. Kulanka waxaa Agaasimaha Guud ku wehliyay Lataliye sare Faaduma Cabdullaahi iyo Agaasimaha Qorsheeynta iyo Horumarinta Maxamed Bashiir oo labadaba katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.
Kulanka labada dhinac waxa uu gogol-xaar u ahaa shir horaanta bisha Agoosto ka dhici doona Muqdisho oo lagu diyaarin doono Istiraatijiyooyinka Waxbarashada Madaniga, Latashiyada Dadweynaha, iyo Isticmaalka Warbaahinada kala duwan ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
Shirka dhici doona horaanta Agoosto oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda, Macahadka EISA, iyo Hay’adda Saferworld ayaa ah mid ay ka soo qaybgeli doonaan aqoonyahano ka kala socda Dawlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka, iyo Quburo ku xeel-dheer Arrimaha Waxbarashada Madaniga, Latashiyada Dadweynaha, iyo Isticmaalka Warbaahinada kala duwan.




From the comments