Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare soo gaaray dad shacab ah.
Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxaan uu ka dhex dhacay gaari la doonayey in lagu galbiyo aroos, waxaana saarnaa milkiilihii gaarigan oo lagu magacaabayey Cabdi Cunguf, kaasi oo kamid ah ganacsatada degmada, ahna shaqsi aad looga yaqaano degmada Waaberi.
Waxaa ku dhaawacmay qaraxan Cabdi Cunguf, darwalkii kaxeynayey oo lugaha wax ay kasoo gaareen iyo sidoo kale wiil yar oo goobta ka dhowaa.




From the comments