Dowladda Qatar ayaa waxay diiday wadahadalka u xiran sharuudaha, kaasi oo ay u soo gudbiyeen dowladaha Qatar u jaray xiriirka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Maxamed Binu Cabdi Raxmaan Aala Thaani, ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisa uu diiday liis sharuudo ah oo ay u soo gubiyeen dowladaha carbeed oo xiriirka u jaray Qatar, waxaa uuna arrintaasi ku sheegay in ay meel ka dhac ku tahay qawaaniinta caalamiga ah.
Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa waxay muujiyeen in wadahadalka Qatar uu ku xiranyahay in ay ka soo jawaabto liiskii sharuudaha ahaa ee ay ugud biyeen marka ay bilaabatay dhibaadata Khaliijka.




From the comments