Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga tacsiyadeeyey Qoysaska, Qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed qaraxii ka dhacay wadada Makkah Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaan sidoo kale ALLAH uga baryayaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo ” ayuu yiri R/W Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in hal dhinac looga soo wada jeesto ficillada foosha xun ee kooxaha Argagixisadu ay la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.




From the comments