Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.
Wafdiga wasiirka waxaa Jowhar kusoo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe , xildhibaanno iyo wasiirro Hirshabelle ah iyo sidoo kale waxgaradka ku sugan magaaladaasi.
Wasiirka ayaa Jowhar wuxuu u tagay ka qeybgalka furitaanka shir dib u heshiisiineed oo maanta magaaladaasi uga furmaya Labo beel oo dhowaan ku dagaallamay degmada Cadalle ee Sh/dhexe.





From the comments