Guddoomiyaha guddiga howlaha guud ee golaha shacabka AbdiFatah Ismael Tahir oo goordhaw la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in berri uu golaha shacabka kulan ka yeelan doono mustaqbalka wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.
AbdiFatah Ismael Tahir ayaa intaa ku daray in loo yeeray wasiirka, Xildhibaannada ay ka doodi doonaan arrintiisa haddii uu yimaado iyo haddii kalaba.
Wasiirka Dastuurka Xoosh Jibril oo la sheegayo in uu u gafay golaha shacabka ayaa la sheegayaa in haddii berri la ceyriyo warqad loo qori doono ra’isul wasaare Khayre si uu u fasaxo wasiirka Dastuurka, haddii uu diido ra’isul wasaaraha soo jeedinta golaha shacabka, Khayre ayaa laga doonayaa in golaha hortiisa yimaado oo u sharxo sababta uu u diiday amarka golaha.




From the comments