Qarax Gaari Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Maqaayad Ku Taalla Magaalada Kismaayo

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa maqribkuu caawa waxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoos, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la xaqiijiyey in la dhigey maqaayadda Shaah Macaan oo ku dhow xaruntii hore ee Caymiska Kismayo, waxaana goobta ku sugnaa dad badan oo shacab ah.
Ugu yaraan Shan ruux ayaa la xaqiijiyey in halkaasi ay ku dhinteen, iyadoo dhaawacuna uu ku dhow yahay 20 kale.
Khasaaraha dhimashada ayaa intaasi ka badan karo maadaama weli aan la sameyn tirokoob sax ah, waxaana tiradan dhimashada kasoo xigannay dad gaaray halka qaraxa uu ka dhacay.
Dadka dhaawac ah ayaa loola cararay Isbitaalka Kismaayo, waxaana dadka ku jira kuwo qaba dhaawacyo halis ah.
Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland oo qaraxa kadib gaaray halkaasi ayaa isku gadaamay halka ay wax ka dhaceen, waxaana ay rideen rasaas badan.
Saraakiisha ammaanka ee Jubbaland iyo maamulka Kismaayo weli kama aanay hadal qaraxan dhacay, iyaga oo sheegay in saxaafadda dib ay ka siin doonaan warbixin buuxda.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News