In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootey halka ay ku dhaawacmeen 30 kale qarax ka dhacay magaalada Haraat ee galbeedka Afgaanistaan.
Afhayeen u hadlay waaxda caafimaadka ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay in ka badan 20 dhimasho ah, dhaawacana uu intaas ka badanyahay.
Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay Labo qof oo midkood uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa, halka midka kalana uu bambaanooyin ku tuuray masjidka oo ay dad ku tukanayeen.




From the comments