Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in xildhibaannada baarlamaanka Somaliland ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, waxaana xilka iska casili doona guddoomiyaha baarlamaankaasi C/raxmaan Maxamed C/laahi oo dhanka kale ah guddoomiyaha xisbiga wadani.
Cali Yuusuf oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in maanta uu is casilayo guddoomiye Cirro, taasina ay tahay soo jeedintiisa.
“Guddoomiyaha ayaa soo jeediyey inuu meesha ka tago, waxaana uu naga dalbaday waqtiga, waana u sheegnay Arbacada, xildhibaannadana waan isugu yeernay” ayuu yiri Cali Yuusuf.
C/raxmaan Ciiro ayaa ah musharrax madaxweyne ee xisbiga Wadani, waxaana wadaa dedaal badan oo uu ku doonayo inuu ku noqdo madaxweynaha Somaliland.
Somaliland ayaa u diyaar garoobeysa doorashooyinka baarlamaan iyo midda madaxweyne, waxaana socda ololaha ay wadaan xisbiyada maamulkaasi.
Goobjoog News