Kulan ay maanta xildhibaannada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa kooram la’aan u baaqday, kadib markii kooramka uu shirka ku furmi lahaa ay ka dhinnaadeen 9 mudane.
Sida caadada ah kulanka ayaa la doonayey inuu furmo 9-ka subaxnimo, hase ahaatee kooramka oo la sugayey ayaa la gaaray 10-ka barqanimo.
Waxaa xarunta timid 130 xildhibaan, waxaana kooramka uu ku furmi lahaa 139 mudane, sidaasi darteed guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Muudey wuxuu ku dhowaaqay in kulanka uu u baaqday kooram la’aan.




From the comments