Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ka bilowdaan kulamo lagu xalinayo dagaalladii ka dhacay deegaankaasi.
Waxgarad ka kala tagay deegaanno badan oo kamid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku sugan Xeraale, waxaana ay doonayaan in xal rasmi ah laga gaaro dagaalladii dhacay.
Qaar kamid ah waxgaradkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta la isku keenayo dhinacyadii dagaallamay, lana soo afjarayo colaadda.




From the comments