Diblumaasi Maxamed Maxamuud Caalim ayaa sheegay in guddoomiyaha maxkamadda sare uu dhaariyay 8-da kursi ee hadda maxkamaddu diidan tahay.
Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu ku sheegay in arrinta la isku hayo ay tahay qalad siyaasadeed oo uu horay u galay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan.
“8-da xildhibaan oo la isku heysto dhammaantood waxa weeye xildhibaanno la dhaariyay oo ka qeyb galay doorashadii madaxweynaha, oo maxkamadda sare oo hadda diiddan uu dhaariyay Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa moodda arrinta arrin siyaasad laga leeyahay oo dowladda markii ay horumar gaarto kooxo dano gaar ah leh ay jiraan, guddoomiyaha maxkamadda sare sidee buu u dhaariyay xildhibaanno la isku heysto” ayuu yiri Diblumaasi Maxamed Maxamuud.




From the comments