Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku ammaanay Xasilinta Dalka kuna dhiirigeliyey inay sii labajibaaraan doorkooda soo celinta Amniga, Xasilinta iyo Nabadeynta Dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad u jeediyey ciidamada ayaa ka hadlay muhiimada, hadafka iyo doorka looga fadhiyo in Ciidanka uu kaalintiisa qaato.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka Qalabka Sida taariikh facweyn bey Dalka ku leeyihiin, waxaadna huwan tihiin qaranimada iyo sharafta Dalka. Maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”.





From the comments