Ciidamada AMSIOM ee ku sugnaa deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa la sheegayaa in goor dhow ay faarujiyeen guud ahaan deegaankaasi.
Mas’uul ka tirsan maamulka Sh/hoose kana gaabsaday in magaciisa aan baahinno ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in deegaankaasi ay sidoo kale ay isaga baxeen ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.
Dhanka kale, mas’uulkan ayaa sheegay in ay jiraan dagaalyahanno Al-shabaab ah oo soo buuxdhaafiyey duleedka deegaanka Leego ee Sh/hoose.




From the comments