Shirweynaha wada tashiga ee mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiinta, aqoon yahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka iyo qurbajoogta ka soo jeeda beesha oo ka dhacay Muqdisho ayaa maanta lagu go’aamiyay in beeshaasi ay xiriirka u jartay maamulka Hirshabeelle.
Kulanka oo ay Goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Xildhibaan Khalif Cabdi Cumar, Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, Xildhibaan Faadumo Faarax Ibrahim(Qamar), Wasiirro iyo Xildhibaanno Beeshaasi ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa lagu dhaliilay magacaabis uu sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble.
Beesha Baadi-Cadde waxaa ay sheegeysaa in maamulka Hirshabeelle aanu tixgelin cadaaladda, baahinta maamulka, kana shaqeeyay sad bursi uu u sameynayo beelo gaar ah iyo in madaxweynaha Hirshabeelle Cosoble ku guul-sareystay baahinta maamulka, iyaga oo ka digay in sida ay wax ku socdaan haddii ay sii socoto ay keeni karto aaminaad darro iyo dib u soo noolaashaha colaaddii sokeeye ee gobolka.





From the comments