Mas’uuliyiinta dalka Libya ayaa waxay sheegeen in qaraxaan ay waxyeello ay ka soo gaartay dad ku tukanayay masjid ku yaallo magaalada Benghazi ee bariga Liibiya .
Bartilmaameedka weerarkaan ayaa waxuu ahaa hogaamise sare oo ka tirsan ciidamada hoggaamiyaha Khaliif Xaftar ee ku sugan bariga dalkaasi.
Ilo caafimaad ayaa sheegay in todobo qof ay ku dhinteen weerarkaan qaraxa loo adeegsaday, balse dhanka kale hogaamiyaha qabaliga ah ee Saalax Al-adyuush oo isbaheysi la ah Khaliif Xaftar waxba ma soo gaarin.




From the comments