Guddiyada Aqalka Sare Oo Soo Bandhigay Qorshe Howleedkooda

Kulanka golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee uu shir guddoomiyey afhayeenka aqalka Mudane Cabdi Xaashi ayaa maanta ka dhacay xaruntooda Muqdisho, waxaa kale oo xaadir ahaa guddoomiye ku xigeenka 1aad Abshir Bukhaari, Xildhibaannada guud ahaan joogay kulanka waa 41.
Kulan oo ahaa midka 1aad ee kalfadhiga 2aad waxaa uu ajendaha ahaa: Ajendada 1aad ee kalfadhiga 2aad ee aqalka sare, waxaa guddiyada aqalka laga dhageysay Qorshe howleedka.
Guddiga Aqalka sare:
Guddiga La socodka Dib-u eegista, Dhaqangalinta Dastuurka iyo arimaha Federaalka.
Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa , Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarad
Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta
Guddiga Arimaha Gudaha, Dib u Heshiisiinta Iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada
Guddiga Difaaca Iyo Amniga
Guddiga Arimaha Dibedda Qorsheynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka.
Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka
Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.
Goobjoog News,