Maxamuud Cabbaas Madaxweynaha dowladda Falastiin ayaa sheegay in magaalada Qudus ay tahay caasimadda dowladda Falastiin .
Cabbaas ayaa hoosta ka xariiqay in uusan soo laabaneyn qaladkii ay galeen sanadkii 1948, waxaa uu intaas ku sii daray in hoggaanka Falastiin ay ku socon doonaan fulinta dhammaan go’aannadii ay qaateen inta uu socdo dagaalka Qudus.
Hadalkaan ayaa madaxweynaha waxaa uu ka hor sheegay boqolaal qof oo reer Qudus ah kuwaas oo iskugu soo baxay aqalka madaxtooyada ee magaalada Raamullaahi.




From the comments