Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa kasoo horjeestay wasiirada cusub ee maamulka K/galbeed, kuwaasi oo dhowaan uu magacaabay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.
In ka badan 50 xildhibaan oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaxweynaha aanu wasiirada usoo magacaabin sidii loo baahnaa, islamarkaana yihiin kuwo aan laga fiirsan waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waxay xildhibaanadaan ay madaxweyne Shariif Xasan ku eedeeyeen inuu hareer maray Dastuurka maamulkaasi, taasi oo ku aadan soo xulushada xildhibaannada.




From the comments