Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Labo gaadiid ay kasoo qafaasheen gudaha Kenya, kuwaasi oo laga lahaa dalkaasi.
Gaadiidkan ayaa marayey sida la tilmaamay deegaanka Cumar Jilacow oo ku dhow Mandhera, waxaana saarnaa dad shacab ah.
Maxamuud Saalax oo ah isku duwaha gobolka waqooyi bari ayaa xaqiijiyey in shacabkii saarnaa gaadiidkaasi aan waxbo la gaarsiin, ayna dagaalyahannadii qafaashay lasoo aadeen dhanka xuduudda.




From the comments