Taliska ciidanka Booliiska ee qeybta gobolka Bari ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen shaqsigii ka dambeeyay dil shalay magaaladaasi loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khadar Ismaaciil Cabdulle.
Taliyaha Qeybta Booliiska ee gobolka Bari, Korneyl C/xakiin Yuusuf Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney hayaan shaqsiga dilkaasi ka dambeeyay, haataanna baaritaan ay ku wadaan.
Waxa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka in lagu guuleystay sioo qabashada ninkaan oo aanu magaciisa sheegin.




From the comments