Dagaal u dhaxeeya ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwo taabacsan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa ka socda deegaanno kamid ah gobolka Bakool.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dhowr jiho ay ka weerareen deegaannada Abaal iyo Yabaal oo uu ku sugan yahay Abuu Mansuur, waxaana halkaasi ka socda dagaal xooggan.
Waxaa jira khasaare soo kala gaaray Labada dhinac sida Goobjoog News ay u sheegeen ilo xog ogaal ah.




From the comments