Waxaa meel gabagabo ah maraya tirinta cododka doorashadii shalay ay shacabka Kenya u dareereen, iyadoo ay soo baxayaan natiijooyin horudhac ah.
Sida laga soo xigtay guddiga doorashada Kenya ayaa sheegaya in doorashada uu ku horreeyo xisbiga Jubilee ee uu musharraxa u yahay madaxweyne Kenyatta, kaasi oo haysta 55% cododkii la tiriyey.
Xisbiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa isna haysta illaa iyo hadda codod gaaraya 44%, iyadoo la filayo in saacadaha soo aadan ay soo baxdo natiihada saxda ah.




From the comments