Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag hubeysan ay dileen taliye ku xigeenkii saldhigga bartamaha ee magaalada Boosaaso.
Taliye ku xigeenka la diley waxaa lagu magacaabayey Cabdi Dheere, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen rag bistoolado ku hubeysan.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in raggii wax diley ay halkaasi ka baxsadeen, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada Puntland.




From the comments