Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyada iyo kan Xakameynta Hubka wax Dila iyo warbixino ku aadan maxaabiista India, diyaarinta Heshiiska Xaquuqda caruurta iyo arrimo kale.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan socdaal uu isaga iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ku tageen dalka India oo Soomaaliya iyo India ay ku soo kala saxiixdeen Heshiis ku aadan is-weydaarsiga maxaabiista. 118 dhalinyaro oo loo heysto danbiyada burcad-badeednimo ayaa marka la xukumo heli doona fursad dalkooda dib loogu soo celiyo. Wasiirka ayaa sheegay inay dowlada India ka aqbashay codsi ku aadan in visaha India laga bixiyo Muqdisho oo shacabka Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarasho ama caafimaad u aadaan India loo sahlo dal-ku-galkooda. Dowlada India ayaa ballanqaaday inay xafiiskeeda dal-ku-galka u soo wareejin doonto Muqdisho.
Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyada oo uu wasiirka Maaliyada soo gudbiyey.
Golaha Wasiirada ayaa dood iyo flanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Wax Dila oo uu wasiirka Amniga soo gudibiyey.




From the comments