John Kerry: Lama Jabsan Karo Qalabka Doorashada Kenya
Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay rabashada ka dhacay doorashada Kenya, arrintan waxaa ay ka dambeysay kadib markii mucaaradka sheegeen in doorashada madaxtinimada lagu shubtay.
Rabshadaha ayaa dhacaya xilli dowladda ay shaqo gelisay in ka badan 150,000 oo askari, si ay u ilaaliyaan goobo doorasho oo gaaraya 41,000.
Dadkan waxaa ay u dibad baxayaan kadib markii Raila Odinga uu sheegay in la jabsaday Datada iyo qalabka guddiga doorashada, lana badalay tirada saxda aheyd.
John Kerry oo wasiirkii hore arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in qalabka ay isticmaalaan guddiga doorashada Kenya aan la jabsan karin.
Goobjoog News.