Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa caawa waxa uu ku qarxay Wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo shaqaalaha.
Gaarigan ayaa la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen in laga war helay, qofkii wadeyna uu baxsaday balse la hakiyey isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadadaasi.
Dad ku dhow halka qaraxa uu ka dhacay ayaa inoo sheegeen inuu jiro dhaawaca Hal qof.




From the comments