Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weheliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, ayaa ka qeyb galay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo looga hadlayay sida ay dhalinyaradu hoggaaminta dalka uga qeyb qaadan karaan , ayna soo abaabuleen dhalinyaro is xil-qaantay oo la magac baxay Banana Group.
Mudane Xasan Cali Khayre oo kulanka ka jeediyay khudbad qiimo badan ayaa ugu horeyn amaanay kaalinta dhalinyarada iyo abaabulka ay muujinayaan si dalka loo dhiso.
Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay yihiin adeegayaal, halka shacabka Soomaaliyeed ay yihiin milkiilayaasha dalka, sidaas daraadeed ay lama huraan tahay in muwaadin kasta uu kaalin muuqata ka qaato horumarka dalkiisa.




From the comments