Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi (Farmajo) ayaa sheehay in la fuliyay howlgal qorsheysan oo ay qaadeen waxa uu ugu yeeray saaxibada Soomaaliya, howlgalkan oo ka dhacay meel ka baxsan Benaadir waxaa lagu dilay hoggaamiye sare eoo Al-Shabaab ah.
Dowladda ma sheegin magaca ninkaasi, laakin waxaa jirtay in ciidamada Mareykanka ay sidoo kale todobaadkii hore weerar ay nqaadeen ku dileen mas’uulka Alshabaab ee Banaadir Cali Jabal.
Dalka Mareykanka ayaa ciidamo gaar ah u soo diray Soomaaliya, Trump maamulkiisa waxaa ay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab, waxaana muuqata in ay xoojiyeen weerrada ka dhanka ah.




From the comments